Qormo
Faneed Taxane Ah Oo Aan Ku Faaqidi Doono Taariikhda Faneed Ee Bacalwaan,
Heesihiisii Caan Baxay Iyo Riwaayadihii Uu Ka Qayb Galay ….Q: 1aad
Waxa
Soo Ururiyey: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)-
Ilaahay Cimriga iyo
Caafimaadkaba ha u barakeeyee Fannaanka weyn ee Caanka ah Cabdi Cali Bacalwaan
waxa uu ka mid yahay kana mid ahaa haldoorka Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ragga
ah kuwooda ugu horreeya, ugu codka macaan, ugu jilitaanka wanaagsan loo
guna
jecel yahay heesihiisa. Dadka sida weyn ula socda una xiiseeya Fanka Soomaalidu
waxa ay Fannaan Cabdi Cali Bacalwaan ku xasuustaan hub-qaadkiisa,
Masrax-jooggiisa wanaagsan iyo qaabka Jilitaan ee Riwaayadaha uu ka qayb galay
wakhtigii Fanka Soomaalidu cirka marayay.
Fannaanka Codka Baxsan
Cabdi Cali Bacalwaan oo markii noogu dambaysay ku sugnaa waddanka Jarmalka,
burburkii Soomaaliya kadibna in muddo ah ku ku noolaa caasimadda waddanka Kenya
ee Nairobi ayaanu qormadan ku soo qaadan doonaa taariikhdiisaa faneed,
riwaayadihii caan baxay ee uu ka qayb galay, qaar ka mid ah heesaha caanka ah
ee Bulshadu sida weyn ugu taqaano ee uu ku luuqeeyey iyo Arrimo badan oo la
xidhiidha Nolosha Fannaanka, isaga oo Fannaankani ka mid ahaa tiirarkii udub-dhexaadka
u ahaa fannaaniinta iyo fanka Soomaaliyeed ee casriga ah.
Waa Kuma Cabdi Cali
Bacalwaan, Halkee ku dhashay?, halkeese salka ku haysaa Naanaysta uu ku caan
baxay ee Bacalwaan?, goorma ayuu dalka Soomaaliya ka baxay kadib sannadihii burburkii,
muxuuse ka xasuustaa waayihiisa faneed?, dhammaan su’aalahaasi waxa si waafi ah
uga jawaabi doona Fannaanka oo xogtan ku bixiyey waraysiyo kala duwan oo uu
hore u bixiyey oo aan soo ururinay.
Ugu horrayn Cabdi Cali
Bacalwaan oo ka hadlaya deegaanka uu ku dhashay iyo sababta magaca Bacalwaan
loogu bixiyey waxa uu yidhi: “Waxa aan ku dhashay deegaanka Wardheer ee ka
tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Kililka Shanaad. Magaca Bacalwaan ama
naanaysta Bacalwaan, berigii aan dhashay ayuu ii baxay. Qoyska aan ka dhashay
waxa ay ahaayeen qoys maal-qabeen ah. Markaa Haweenay baa aniga gaar la iigu
qaybiyey oo aniga xanaanadayda iyo arrimahayga gaar la iiga dhigay oo I hayn
jirtay oo waalidku ku yidhi inankaa gacanta ku hay oo hagaaji oo daryeel ayaa
ii bixisay magaca. Markaa waxaan ahaa Ilmo yar oo buuran sida aan maqlay. Ilmaha
buuqa iyo qaylada bandanna maan ahayn baa la igu yidhi. Kadib marka ay caanaha
iyo cuntada I siiso ayaa waxa ay tidhaa Bacalwaan, Alla kani waa Bacalwaan.
Bacalwaan Bac dheh. Sidaasi ayuu magacu iigu baxay. Bacalwaan oo islaantaasi I
soo korisay ayaa ii bixisay. Waxa ay ahayd islaan reerkayaga la joogi jirtay. Waligayna
illaa yaraantaydii illaa maantana isaga ayaa la ii yaqaanaa. Marka aan Wardheer
ku soo koray anoo yar baan ka soo tagay waxaanan soo galay Magaalada Muqdisho
oo aan ku barbaaray intii dambena aan noloshayda ku qaatay”.
Intaa kadib Fannaanka
weyn ee Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu innooga warramayaa wakhtigii ugu horraysay
ee uu Fanka soo galo, sida uu ku soo galay iyo in marka horeba Fanku ahaa wax
lubbigiisa ku lammaan oo ku suntan. Fannaanka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa
uu yidhi: “Fanku waxa uu ahaa wax laabtayda ku jira. Fanaaniintii naga horraysay
heesaha ay qaadaan ayuunbaan qaad-qaadi jiray oo aan jeclaa. Markaasaan iska
dhigi jiray nin heesaa ah oo belaayo ah oo khatar ah. Intaan meelahaa xaafadaha
dhexdooda fadhiisto ayaan heesaha qaadi jiray. Heesaha fanaaniintii naga
horraysay ee aan idaacadda ka dhagaysto ayaan qaad-qaadi jiray. Kadib markii
taariikhdu ahayd 1965-kii ayuunbaan maqlay tartan yar oo laga ogaysiinayo Raadiyow Muqdisho.
..La Soco Qayb Kale
No comments:
Post a Comment