Qormo
Faneed Taxane Ah Oo Aan Ku Faaqidi Doono Taariikhda Faneed Ee Bacalwaan,
Heesihiisii Caan Baxay Iyo Riwaayadihii Uu Ka Qayb Galay ….Q: 2aad
Waxa
Soo Ururiyey: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)-
Fannaanka oo
arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Fanku waxa uu ahaa wax laabtayda ku
jira. Fanaaniintii naga horraysay heesaha ay qaadaan ayuunbaan qaad-qaadi jiray
oo aan jeclaa. Markaasaan iska dhigi jiray nin heesaa ah oo belaayo ah oo
khatar ah. Intaan meelahaa xaafadaha dhexdooda fadhiisto ayaan heesaha qaadi
jiray. Heesaha fanaaniintii naga horraysay ee aan idaacadda ka dhagaysto ayaan
qaad-qaadi jiray. Kadib markii taariikhdu ahayd 1965-kii ayuunbaan maqlay
tartan yar oo laga ogaysiinayo Raadiyow
Muqdisho.
Tartankaasi la baafiyey
waxa ay ahayd oo ay idaacaddu tidhi waxa la doonayaa in koox la tartanta
kooxdaasi la doonayo. Aniguna markaasi garoo waxaan iska ahay nin fan suuq ah,
maadaama aan ahay nin yar oo suuqa iska joog jooga oo meelahaa ka hees heesa oo
waliba urursada heesaha hore oo qayba kadibna meelahaa kaga luuqluuqeeya. Tartankii
baan ka qayb galay oo waxaan soo ururiyey muusigyahano yaryar oo aan midba meel
ka keenay. Mid Marka aan ka keenay mid aan magaalada dhexdeeda ka keenay iyo
mid kaleba. Koox yar baan soo ururiyey oo aan doonay in aan kaga qayb galo
tartankaasi la doonayay in laga qabto Radio Muqdisho. Markaa kooxdan aan soo
ururiyey dhammaantood waa muusigyahano yaryar oo aan cidiba aqoon oo
dhallinyaro ah anna waan heesayaa oo iyaga ayaa ii tumaya. Markaa tartanka waxa
la rabaa in lagaga qayb galo saddex heesood oo middiiba soconayso shan daqiiqo.
Waxba yaanan hadal idinku daaline, ninkaygii yaraa ee meesha yimid ee aanay
cidina garanayn boodhbaan kaga duuliyey meeshii oo 15-kii daqiiqadood ayaan
saddex heesood oo dhamac ah kasii daayay. Waxa la doonayay koox Radio Muqdisho
lagu hayay koox la tartanta oo magaalada laga raadinayay. Kadib qoladii
maamulka tartanka ahayd ayaa waxa ay yidhaahdeen markii tartankii dhamamaday
waar inankan yar ee kooxda isku soo ururiyey, kooxda qaranka la tartansiin
maynee isaga ayaan lambarka koowaad siinaynaa. Sidaasaan kaalinta koowaad ku
galay oo ay ii siiyeen”.
Fannaan Cabdi Cali
Bacalwaan oo wax laga waydiiyey heesahan saddexda ah ee uu tartankaasi ugu
horreeyey kaga qayb galay waxa uu yidhi: “Heesahan waxa isu geegeeyey aniga iyo
nin aannu saaxiibbo ahayn. Isagu qaarbuu sameeyey anna qaarbaan sameeyey. Waxbaannu
isku gaygaynay oo cudud yar oo isku tagtay baannu ahayn”.
Markii haddaba
tartankaasi dhammaaday Fannaan Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu noqday nin caan ah
oo durba Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda laga bartay waxaanay halkaasi
noqotay bar-bilawgii uu ka soo fuulay sallaanka Faneed ee uu markii dambe cirka
uga baxay. Fannaanka oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Markii aan
halkaasi kaalinta koowaad ku galay waxaan noqay nin caan ah oo dadkii u
sacabinayaan oo macruuf noqday. Markii aan halkaa gaadhay waaban u qaadan
waayay!. Layaab ayay igu noqotay. Markaasaan is idhi wallaahi darkaad jiidhay!!.
Kadib waxa gacanta la iga saaray lacag badan oo ahayd 400 oo shilin oo markaasi
aan la soo koobi karayn qiimaha ay leedahay iyo xaddigeeda. Wakhtigaana ninkii
boqol shilin hayaa waxa uu ahaa nin la yidhaa ninkaasi Boqol madaw buu hayaa. Anigiibaa
markaa afar boqol oo madmadaw la i siiyey. Labaatanka Shilin ayaa muddo la
haynayaa muddo dhan oo ku deeqaysa. Waa bari-samaadkii” ayuu yidhi Cabdi Cali
Bacalwaan.
Intaa kadib Fannaanka
caanka ah ee Cabdi Cali Bacalwaan halkee uga sii socday oo tallaabo noocee ah
ayaa u xigtay. Fannaanka ayaa innooga warramaya waxaanu yidhi: “Isla markiiba
Radio Muqdisho waxa ay tidhi isaga cid la qaato ha ugu horreeyo. Kadib kooxdii
fannaaniinta ee ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa ay soo qaddimeen codsi waxaanay
yidhaahdeen inanka yar ee soo baxay ee tartanka maalintii dhawayd lagu qaatay
darajo ayaannu siinaynaa oo imtixaanbaan ka qaadaynaa ee annaga noo daaya
annagaa qaadanaynee. Kadib waxa ay yidhaahdeen waa in uu Dhiboo galaa oo
Tababar Milatari galaa. Kadib sannadkii xigay ee 1966-kii ayaan tababarkii
Dhibooga ahaa galay. Kooxda ciidanka Milatariga markaa waxa ka mid ah
fannaanadda weyn ee Saynab Xaaji Cali Baxsan, waxa kale oo ku jira Cismaan
Aadan Xuseen (Cismaan Askari) oo ahaa abwaan weyn, sidoo kale waxa ku jira
Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Singub), Abwaan Cali Diiriye (Cali Gaab) ayaa
ku jiroo. Kooxdu markaa waa kooxdii nambarka koowaad ahayd ee fanka ahayd. Markaa
kooxdu waa koox Milatariga ah oo qaybteeda Fanka ah waxaanay yidhaahdeen
inankaa yar annaga ayaa qaadanayna”…
…La Soco
No comments:
Post a Comment