Taariikhda Calawiyiinta, Caqiidooyinka
Faasidka Ah Ee Ay Aaminsan yihiin Iyo Halka Ay Salka Ku Hayso Cadaawaddoodu
Qalinka: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)
In badan oo dadka ka mid ahi maanta waxa ay is waydiinayaan
Shakhsiyadda Bashaar Al Asad, Calawiyiinta iyo sida ay u burburinayaan wadanka
Suuriya oo ka mid ahaa dalalka ugu muhiimsan dunida Muslimka taariikh ahaan iyo
dhul ahaanba iyo sida uu maalin walba raabo raabo ugu laynayo shacabka reer
Suuriya Carruur iyo Cirroole isaga oo maanta gaadhay heer uu u adeegsado in uu
ku laayo Hub Kiimikal ah (Chemical Weapons) oo sahayday nolosha kumanaan qof oo
u badan Caruur iyo dad waayeel ah.
Xaqiiqanimo Xasuuqa Bashaar Al Asad maanta ku hayo shacabka
Suuriya ama aha mid ku yimid mucaaradnimada lagala hor yimid balse waa
Cadawnimo ka soo maaxanaysa Qalbiga iyo ruuxda Bashaar Al Asad iyo Kooxdiisa
Calawiyiinta ah. Qaddiyaddu waa ay ka wayn tahay Bashaar yare oo ahaa dhakhtar
indhaha ah oo aabihii kursiga uga dambeeyey. Qaddiyaddu waa sidii Calawiyiintu
u qabsan lahayd guud ahaan Bilaadu Shaam (Dhulka Shaam). Calawiyiintu Ma
Shiicaa? Ma Muslimbaa, Ma Gaalaa, Halkay ka soo jeedaan? Waa arrimaha aynu
qormadan ku eegi doono.
Waa Ayo Calawiyiinta Suuriya?
Calawiyiinta waxa la sheegaa in ay asalkoodii hore ka soo
jeedaan Shiicada (Imaamiyada iyo Isnaa Cashariyah) waxaana ka soo baxay Culimo
waaweyn oo shiico ah oo uu ka mid yahay Sheekh Xamsa Bin Zuhra Al Xusayni. Waxa
la xaqiijiyaa in ay taariikhdooda aasaasnimo ka soo bilaabanto qarnigii
saddexaad ee Hijriga, Magacoodii Horena waxa la odhan Jiray Naysariyah. Waxa
aasaasay Maxamed Bin Nasiir Al Basiiri Al-Numayri. Caqiido ahaan waxa ay si aad
u xeel dheer u weyneeyeen Imaam Cali Ibnu Abaa Daalib (KW) oo ay gaadhsiiyeen
heer Ilaahnimo. Iyada oo ay sidaa tahay haddana waxa ay weyneeyaan oo ay aad u
jecel yihiin Cabdiraxmaan Bin Muljim oo ah ninkii Dilay Imaam Cali Bin Abii
Daalib (Sababta Xagga Dambe Ayaad Ka Ogaan Doontaa). Waxa ay aaminsan yihiin in
Cali Bin Abii Daalib Kor degan yahay oo wakhtigan ku sugan yahay Daruur Dusheed
oo kaliya la kala saaray Jidhkiisii iyo Ruuxdiisii. Waxa ay ku nool yihiin
Suuriya, Turkiga, Lubnaan iyo Qaybo ka mid ah Ciraaq. Waa Calawiyiinta kuwoodii
ugu horreeyey taariikh ahaan. Waxa lagu tilmaamaa Qaybta ugu weyn Firqo ahaan
shacabka Suuriya marka laga tago Sunniga oo ah Aqlabiyadda dadka dega dalkaasi
Suuriya. Calawiyiintu waxa ay Mujtamaca Suuriya ka noqonayaan boqolkiiba saddex
iyo toban (13%). Calawiyiinta Suuriya waxa ay soo mareen Marxalado taariikeed
oo aad u dhaadheer. Waxa la sheegaa in siyaalo kala duwan ay xukunka dalkaasi u
soo maamulayeen taariikh ku siman illaa 1571 taariikhda Miilaadiga. Waxa la
sheegaa in aanay muujin shacaa’irta Islaamiga ah sida soonka, salaadda,
Masaajidada kama aadaamaan mana muujiyaan Astaamaha Islaamka. Cadaawad
ballaadhan oo guun ah ayay u hayaan Muslimiinta Sunniga ah. Sannadihii 1806,
1811, 1852 waxa ay dagaalo culus la galeen Dawladdii Cismaaniyiinta illaa ay
soo gaadheen qarnigii 19aad oo xaalku is badalay. Awoodda Calawiyiintu ku
leeyihiin Maamulka Suuriya waxa la sheegaa in ay dhowr arrimood sabab u tahay.
Waxa ka mid ahaa doorkii ay ku lahaayeen Inqilaabkii dalkaasi ka dhacay sannadkii
1963kii halkaasi oo ay gacanta ku dhigeen Mansabyo culculus oo muhiim ah. Sidoo
kale waxa ay ku kaceen Inqilaab kale oo dhacay 1966-kii waxa kale oo ay mar
kale Inqilaab ku sameeyeen xukunka Suuriya sannadkii 1973-kii waxaana xukunka
dalkaasi gacanta ku dhigay Xaafid Al Asad oo ah aabaha dhalay yarkan maanta
shacabka Suuriya xasuuqaya ee Bashaar Al asad. Xaafid Al Asad ayaa la sheegay
in markuu noolaa Imaam Muusa Al Sadar oo ah hogaamiyaha Shiicada Lubnaan ka
codsaday in uu Fatwo ku soo saaro in Calawiyiintu ka mid yihiin Shiicada. Isaga
oo wakhtigaasi doonayay inuu qiil ugu helo xukunka Suuriya maadaama Dastuurka
Suuriya dhigayo in madaxweynaha dalkaasi xukunkiisa qabanayaa uu noqdo nin
Muslim ah. Waxa jira muran badan oo ka taagan Muslimnimada Calawiyiinta oo culimo
badani ku tagsan yihiin in aanay ahayn Muslimiin.
Macluumaad Guud Oo Ku Saabsan Calawiyiinta:
Waxa la sheegaa in qaaradda Yurub ay ku nool yihiin ku
dhawaad laba Milyan oo Calawiyiin ahi. Kuwaasi oo intooda badan degan wadamada
Jarmalka iyo Faransiiska. Dalka Austria waxa ay sannadkii hore koox diimeed
gaar ah u aqoonsatay Calawiyiinta degan wadanka Austria. Guud ahaan Tirada
Calawiyiinta waxa lagu qiyaasaa in ay kor u dhaafayaan 80-Milyan oo dof oo
intooda badani ku noolyihiin Dalalka Suuriya, Lubnaan, Iiraan iyo Turkiga.
..La Soco cadadka dambe afkaarta iyo waxa ay aaminsan yihiin
Calawiyiintu.
No comments:
Post a Comment