(Lafa-Gur Ku Saabsan Shirqoolada Reer Galbeedku Ku Xagal
Daacinayaan Qunyar Socodka Islaamiga Ah Ee Dalalka Masar Iyo Turkiga)
Qalinka: Maxamed
Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
Tan
iyo markii kacdoonka shacabku hogaaminayaa ka Qarxay dalalka carabta ee uu
Curtay waxa loo yaqaano Gu’ga Carabtu, waxa isa soo tarayay aragtiyo dadka qaarkood
qabaan iyaga oo ku doodaaya in Kacdoonadaasiay yihiin kuwo ay Hurinayaan Yuhuudda
iyo Maraykanku halka kuwo kalena ku doodayaan in aanay taasi jirin ee ay
kacdoonadaasi ku yimaadeen dhibaato gaaxsanayd in muddo ah oo imika furka
goosatay kadib markii cadaadis, caddaalad darro, quudhsi iyo dhibaato lagu
hayay shucuubta carabta ku dhawaad qarni. Labada aragtiyood dadka kala aamisanni
qolo waliba waxa ay soo daliishanaysaa xujooyin iyo caddaymo badan oo mid
kastaa u baahan tahay in si weyn loo dhugto. Aragti saddexaad ayaa iyana
odhanaysa in wadanka Iiraan laftiisu saamayn ku leeyahay kacdoonada ka
bilaabmay dalalka Carabta gaar ahaan dalalka Baxreyn iyo Suuriya. Haddii aynaan
midna ku sii talax tegin oo aynaan kala dooran aragtiyahan waxa aan isla wada
garawsanahay in dhammaanba kacdoonada dalalka Bariga dhexe ka taagan ay si weyn
uga faa’iidaysanayaan dalalka Maraykanka, Yuhuudda iyo Iiraan oo mid kastaa
dano gaar ah ka leeyahay kacdoonada Gu’ga Carabta mid taagan iyo mid
dhammaadayba.
Waaqaca
Dhabta Ah Ee Turkiga:
Wadanka
Turkiga waxa Hogaankiisa haya oo doorasho xor iyo xalaal ah ku yimid Xisbiga
Islaamiga ah ee Caddaaladda iyo Horumarka (AK Party) kaasi oo si layaab leh ula
macaamilay Mabda’ Cilmaaniyadda ee dalkaasi Biyo dhigtay. Dadka islaamka ah ee
dalkaasi Turkiga oo aqlabiyad ahi waxa ay aad u soo dhaweeyeen guusha
Xisbigaasi talada dalka ku qabsaday ee uu ku Jabiyay Ataatoorak iyo Mabda’ii
Cilmaaniga ahaa waxaana durbadiiba faafay oo guri kasta gaadhay Dacwadda
Islaamka, arrintaasi oo aan farax gelin dalalka reer Galbeedka ee maanta Dunida
Hogaanka u haya iyo dalka Yuhuudda oo isagu Turkiga il gaar ah ku hayn jiray
waligiiba.
Saddex
Qodob Ayay Daarran Tahay Walaaca Reer Galbeedka Iyo Yuhuudu Ka Qaadeen Turkiga:
1. Siyaasadda Turkiga oo noqotay mid u
janjeedhsantay dhinaca Maslaxadda Umadda Islaamka ah ee Dalkaasi Turkiga iyo
guud ahaan Caalamka Islaamka. Waxaanay taasi soo shaac baxday ADariiqa siyaasadeed
uu maray Rajab Dayib Erdogan (Ra’iisal Wasaaraha Turkiga ee Wakhtigan) kulamo
dhawr ah oo uu ka qayb galay oo heer caalami ah tusaale ahaan Kulankii Davos ee
dalalka quwadaha addduunka sannadkii 2009. Kulankaasi Erdogan waxa uu si toos
ah u weeraray ra’iisal wasaarihii
wadanka Yuhuudda ee Shimon Peres isaga oo ku yidhi: “Waxaad Tihiin Cadaw
ubadka yarar ku laynaya deegaanka Gaza” waxa la isku dayay in Erdogan la
aamusiiyo intii uu hadalkan waday balse waa uu diiday waxaanu si degdeg ah uga
baxay shirkii Davos isaga oo falalka Yuhuuddu wakhtigaasi ka wadday deegaanka
Gaza ka xun iyo sida aanay dunida kale waxba uga qabanayn gardarrada Yuhuudda
ee garabka og. Hogaanka Maraykanka iyo
Yuhuuddu aadbay ula yaabeen umana ay baran in lahjad noocan oo kale ah uu kula
hadli karo Hogaamiye ka soo jeeda dal Islaam ah oo horumarsan dhaqaale ahaan
iyo ciidan ahaanba.
Muddo
afar bilood ah kadib waxa dhacday in dalka Turkigu Jabiyay Cuno Qabatayntii
lagu hayay dalka Falastiin Gaar ahaan Gaza waxaanay Doon u direen Gaza balse
waxa tallaabadaa is hor taagay ciidanka Yuhuudda oo rasaas ku furay Doontii
Turkiga halkaana ku dilay 8 qof oo Turki ah. Waxa halkaasi ka qarxay dagaal
siyaasadeed oo u dhaxeeya Turkiga iyo Israel waxaanu dalka Turkigu dalkiisa ka
soo eryay safiirkii Israel u fadhiyay Anakara waxaana la hakiyey heshiiskii
Milatari ee labada dal u dhaxeeyey iyo heshiisyo ganacsi oo dhawr ah oo hore
labadan dal uga dhaxeeyey.
2. Siyaasadda
xukuumadda Islaamiga ah ee Turkiga oo noqotay mid gabi ahaanba ka madhan in ay
u darbanaato danihii reer Galbeedka iyo Yuhuudda, waxaanay awoodda saartay
Kobcinta iyo dhismaha Muwaadiniinta Turkiga ah iyo guud ahaan dalkooda. Xukuumadda
Islaamiga ah ee Erdogan Hogaamiyaa waxa ay si aan hore loo arag u yaraysay
shaqo la’aantii dadka Turkiga ah haysatay iyada oo taariikhda markii ugu horraysay
dalkaasi gaadhsiisay 8% iyada oo dhinaca kale dalalka Yurub shaqo la’aan
baahsani ku dhufatay. Erdogan iyo xukuumadda Turkigu waxa ay ku guulaysatay in
ay bixiso dhammaan daymihii sanduuqa lacagta adduunku ku lahaa dalkooda iyaga
oo taariikhda markii ugu horraysay dalka Turkiga ka dhigay dal aan lagu lahayn
wax deyn ah muddo 52 sanadood ah. Waxa ay xukuumadda Islaamiga ah ee Turkigu
yaraysay danihii reer Galbeedku ku qabeen dalkooda oo ay gabi ahaanba meesha ka
saartay waxaanay seeska u dhigeen xidhiidh ay la yeeshaan dalalka Carabta iyo
guud ahaan Islaamka waxanaay soo celiyeen haybaddii Turkiga ee taariikh ahaan
soo jireenka ahayd.
3. Erdugan iyo xertiisu waxa ay
Turkiga ku soo celiyeen Xayndaabkii Islaamiga ahaa iyaga oo dalkooda ka soo
saaray ku dhawaad qarni iyo Dheeraad ay ku sugnaayeen Cilmaaniyad Xag Jir ah,
waxa ay ogolaadeen Xijaabkii haweenku isku asturayeen ee mamnuuca ahaa, waxa ay
dhiirri geliyeen Barashada Cilmiga Diinta Islaamka, waxa ay yareeyeen oo si
tartiib tartiib ah meesha uga saarayaan qaawanaantii iyo goobihii fisqiga iyo
Tumashada, waxa ay manuuceen goobihii Khamriga lagu Fuudi Jiray habeenkii iyo
Khamaarkii lagu ibtiloobay. Saddexdan qodob ee waaweyni waxa ay kiciyeen
dareenkii reer Galbeedka iyo Yuhuudda oo u adkaysan waayay waxa ay indhohodu
arkayaan. Waxa ay reer Galbeedka iyo Yuhuuddu bilaabeen in ay Abaabulaan dadkii
ay dhiiggooda ku tallaalayd Cilmaaniyadu, Kurdiyiinta Mucaaradka ah iyo dad
kooban oo Iiraan dabada ka waddo oo ah Bulshada Nasiiriyiinta si ay uga aarsato
Turkiga iyada oo ka xun Mawqifka Erdogan iyo xertiisu ay ka qaateen dhibaatada
ka taagan Suuriya. Hawl-galkan saddex geesoodka ahi waxa uu hoosta ka shiday
cadhadii kooxahani u qabeen xukuumadda Erdogan ee islaamiga ah waxaanay geed
dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay u ridi lahaayeen xukuumadda ka timid
xisbiga islaamiga ah ee Caddaaladda iyo Horumarka Ama ugu yaraan in ay
cidhiidhi galiyaan oo ay ka mashquuliyaan horumarka ay dalkeeda gaadhsiinayso.
Aronn Stain waa Liberal madax ka ah
xarunta yaraynta taranka aadamaha ee Istanbul, isaga oo aad u dhaliilaya
Siyaasadda Erdogan waxa uu yidhi: “Shacabka Turkigu ha iska qabtaan Erdogan iyo
xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay. Waxa ay doonayaan in ay meesha ka saaraan
sharciga yaraynta taranka iyaga oo ku doodaya aragti islaam Ah”. Urur Cilmaani
ah oo u ololeeya haweenka oo lagu magacaabo “Dhaqdhaqaaqa Haweenka” ayaa Sannadkii
Hore iyo Horaantii sannadkan aynu ku jirno isugu soo baxay magaalooyin dhawr ah
iyaga oo soo saaray haween Mudh iyo Gacan Ah Oo Qaawan, kuwaasi oo ku doodaya
in xukuumadda Erdogan ay meesha ka saarayso xuquuqdii haweenka ee xorriyadda
doorashada Jinsiga, ilmo iska soo tuuridda iyo ka ganacsiga jidhka. Xarakada
Haweenku waxa ay ku doodayeen in la rido xukuumadda Islaamiga ah ee Erdogon.
Mid ka mid ah haweenkan mudaharaadka dhigayay oo saxaafadda la hadashay waxa ay
tidhi: “Waxa ay ku leeyihiin ubad badan dhala, laba kali ah ayaan doonayaa.
Waxa ay ku leeyihiin Khamri ha cabina, Sigaar Ha Cabbina, waddooyinka ha marina
iyada oo aad saaxiibkaa gacmaha is haysataan, waxaan ahay inantii Kamaal
Ataatoorak mana doonayo in aan ra’yigaasi qaato oo aan aqbalo”. In badan oo
Cilmaaniyiinta ah ayaa fikirada haweenaydan oo kale qaba.
Akhriste, u fiirso dadka noocan ahi
waxa ay iska dhago marinayaan sida dalkoodu Horumarka u sameeyey dhaqaale
ahaan, siyaasad ahaan iyo dhisme ahaan. Cahdiga Erdogan waxa dalkaasi si weyn u
kobcay kaabayaasha dhaqaale, dalxiiska iyo nolosha Mujtamaca Turkida waxayse
kuwan oo kale ku doodayaan aragti ku kooban in ay raacaan hawadooda Jinsi iyo
waxa ay naftoodu doonayso oo kali ah. Waxa ay cabsi ka qabaan in ay meesha ka
baxdo doonista naftoodu iyaga oo aan eegin Diin Iyo Dadnimo toona. Fagaaraha
Caanka Noqday ee Taqsiim Ee aad Maqashay arrinka dhabta ah ee ka taagani waa
kaasi aan soo sheegnay. “Baroortu Orgiga Ka Weyn. Intii isugu soo baxay
Fagaaraha Taqsiim waxa ay ahaayeen kuwaasi aan soo sheegnay iyo kuwo la Aragti ah
oo xaga dambe ka taagan. Waa Bambo ay reer Galbeedku ku soo dhex tureen
Shacabka Turkiga oo ay doonayaan in ay ku qarxiyaan si ay u burburiyaan
wanaagga Dhaqan Dhaqaale ee ka hana qaaday Turkiga Cahdiga Xisbiga AK Party.
Waaqaca Dhabta Ah
Ee Masar:
Xaalka Masar waa uu ka adag yahay
xaqiiqo ahaan kan Turkiga ee aan ka soo sheekaynay. Maxaa yeelay Erdogan waxa
uu ku guulaystay hogaamintiisa siyaasad ahaan isaga oo ka faa’iidaystay
deganaanshaha mudadii uu xilka hayay dalkaasi oo aanay wax dhibaato ahi ka
taagnayn. Waxa uu ku yimid doorasho waxaanu wali ku fadhiyaa hogaaminta
dalkiisa isaga oo fulinaya mabaadii’diisa aasaasiga ah ee uu ku galay
doorashada. Balse Maxamed Mursi, Hogaamiyihii dhawaan xilka laga tuuray
xaalkiisu ma aha sida Erdogan nasiibna uma helin in uu deganaansho ku hogaamiyo
dalkiisa. Maxamed Mursi waxa uu ka yimid xisbiga Xorriyadda iyo Caddaaladda oo
ah garabka siyaasadeed ee Xarakada Ikhawaanul Muslimiin oo ah Xarakada
Islaamiga ah ee adduunka ugu ballaadhan. Maxamed Mursi waxa laga tuuray xilkii
kadib markii kooxo is bahaystay oo gacan weyn ka helay ciidamada dalkaasi Masar
ay xukunkii ka tureen Maxamed Mursi gacantana u geliyeen kooxihii kacdoonka
kala hor yimid mabda’ islaamiga ah ee dalkaasi ku guulaystay.
Taageerayaasha Hogaamiye Mursi waxa
ay u arkaan in uu ku guulaystay wax ka qabashada qaybo badan oo ka mid ah wixii
loo igmaday in badanna Ikhwaanku ku taamayeen in ay wax ka qaban doonaan haddii
ay xilka yimaadeen balse kuwa ku Mucaaridka ah ayaa aaminsan in Mursi ku fashilmay
muddo sannad ah oo uu xilka hayay arrinkuna noqday Fashil laga gudbay oo
Faashil kale loo gudbay. Kooxaha Cilmaaniyaddu biyo dhigtay ayaa Mursi ku
eedaynaya in uu Masar adduunkii ka soo xidhay oo dalal badan cadaawad ka
kasbaday.
Goormay Xeedho
Iyo Fandhaal Kala Dhaceen?!!
1. Waxa xaqiiqo ah in Mu’aamarad
weyni ka dambaysay falkii Maxamed iyo Mursi iyo xisbigiisa Xorriyadda iyo
caddaaladda lagu khaarajiyay. Shirqoolkaasi waxa uu ninkan iyo kooxdiisa ku
bilaabmay isla markii ay doorashada dalka Masar ku guulaysteen sannad ka hor ee
ma aha wax imika si dhib yar isaga dhacay ama isaga yimid. Waxaana la isku
waafaqsan yahay in reer Galbeedka iyo Yuhuuddu toos uga shaqeeyeen sidii meesha
looga saari lahaa kacdoonka dalka Masar ee ay awoodda badan ku yeesheen Islaamiyiintu.
Waxa lagu qaaday Mursi iyo kooxdiisii Ikhwaanka Guluf adag oo loo adeegsaday
dhinaca warbaahinta iyo fikirka (Ideology War), waxa la baadhbaadhay oo
bannaanka hab cilmiyaysan loo soo dhigay dhammaan boogihii dawladda Maxamed
Mursi iyo Ikhwaanka ee hogaamineed iyo siyaasadeed, waxa la buunbuuniyay oo
shaaracyada la isla soo taagay wax alla wax kasta oo lagu beer laxawsan karo
kooxaha Cilmaaminiinta ah iyo hadhaagii xukuumaddii hore oo aan marnaba ogolayn
guul ay gaadhaan Ikhawaanku. Dalal badan oo reer Galbeed ah iyo Yuhuudda ayaa
la ogaaday in ay Dhaqaale iyo Loojistikaba ku taageereen Gulufka Islaamiyiinta
ka dhanka ah ee Masar. Siyaasad ahaan kooxahani waxa ay qaateen nidaam ah in ay
cunaha isaga duubaan dawladdii Maxamed Mursi si ay uga mashquuliyaan wax kasta
oo ay qaban karaysay sannadkii ay xilka haysay, waxa kale oo ay kooxahaasi
awoodda saareen in ay durbaan u qaataan sidii ay u wacyi gelin lahaayeen
aragtida ku dhisan Cilmaaniyada ee ay qabaan in badan oo shucuubta carabta ahi
gaar ahaan Masar. Waxa ay shucuubta Masar iyo kuwa Carabta kaleba ugu baaqeen
in Siyaasadda iyo Islaamku aanay is qaadan Karin oo diinta iyo siyaasada la
kala saaro.
2. Waxa soo ifbaxay in Hogaamiyayaasha
Xarakada Ikhwaanku door weyn ku yeesheen siyaasadda Mursi gaar ahaan fulinta
iyo wakhtiyada uu xilal magacaabayo sida badhasaabada gobolada iyo xilalka sare
ee dalka taasina waxa ay dabka ku shiday cadhadii Cilmaaniyiinta waxa kale oo
ay sahay uga dhigteen in ay bulshada u tusaan in kooxo gaar ahi taladii dalka
qabsadeen.
3. Waxa toos u muuqatay in
Cilmaaniyiintu caddaysteen cadaawadda ay u hayaan Islaamiyiinta iyo xukun
islaam oo meesha yimaad. Waxa ay dacaayado ku fureen shacaa’irta lagu yaqaan
dadka islaamka ah sida Gadhka raga, Xijaabka haweenka iyo guud ahaan wax kasta
oo muujinaya Madaahirta islaamka.
4. Kuwii aaminsanaa Dimuquraadiyaddu,
ha noqdeen Libaraalka iyo cid kasta oo u janjeedhay aragtiyaha reer galbeedku
waxa ay ku wacad fureen Dimuquraadiyaddii ay aaminsanaayeen oo ah ta uu ku
yimid Maxamed Mursi oo cod shacab kursiga ku fuulay waxaanay sharciyaddaasi u
rogeen sharci darro in lagu muquuniyo.
Haddii aynu isku xidhno Inqilaabka
Masar iyo Kacdoonka ka taagan Turkiga ee ka bilaabmay Fagaaraha Taqsiim waxa
kuu soo baxaya in hogaamiyayaasha Maxamed Mursi iyo Dayib Erdogan ay ka siman
yihiin dhawr arrimood kuwona ku kala duwan yihiin. Waxa ay ka siman yihiin in
aan laga jeclayn dalalka reer Galbeedka iyo Yuhuudda, xataa dalal badan oo
Carbeed iyo kuwo Caalami ahba. Waxa ay ka siman yihiin in quluubta Shucuubta
Islaamka intooda badani la jirto oo taagersan yihiin. Maadaama ay labadan nin
hogaanka u qabteen dalal Ummad ahaan Tiro badan, Aqoon ahaan tiro badan, Ciidamo
dhisanna leh, taasi oo keeni karta in ay abuuraan in ay siyaasad ahaan iyo
dhaqaale ahaanba ka hoos baxaan reer Galbeedka oo ay u xuub siibtaan dalal
Dimuquraadi islaam qunyar socod ah ku dhisan oo saamayn weyn ku yeelan karta
dalalka Carbeed ee habka qoysnimo xukumada u kala dhaxla iyo waliba dalalka soo
lacaya ee Islaamka ah.
Aragtida
Yuhuudda Ee Arrimahan:
Tzipi Livni
(Wasiirka Caddaaladda Yuhuudda):
Haweenaydan oo ka mid ah siyaasiyiinta magaca ku leh dalkeeda ayaa dhawaan
iyada oo ka hadlaysa Xarunta Daraasaadka Amniga Qaranka Israel waxa ay tidhi: “Hogaamiye
kasta ama dal kasta oo ka mid ah dalalka ku yaalla mandaqadda waxa la gudboon
in ay qaadaan laba jid mid uun. Jidka Argagixisada iyo xag-jirnimada iyo in ay
qaadaan jid kale oo ah ka dhexdhexaadnimada iyo ilbaxnimada siyaasadeed ee
cahdigan oo ah ka aanu ku shaqayno. Haddii dal ama hogaamiye maro jidka aan
ahayn ka aanu marno waxa nagu waajib ah in aanu dhaqaale ahaan iyo siyaasad
ahaanba la dagaalano iyada oo ujeedda Maxamed Mursi iyo Erdogan maadaama ay
horeba ugu eedaysay in ay labadan nin taageersan yihiin ururka reer Falastiin
ee Xamaas.
Dhammaaad
No comments:
Post a Comment