Wednesday, February 14, 2018

Milicsiga Taariikhda Faneed Ee Cabdi Cali Bacalwaan: Mid Ka Mid Ah Fannaaniintii Loogu Jeclaa Hoballada Waaberi -- Q:2aad

Qormo Faneed Taxane Ah Oo Aan Ku Faaqidi Doono Taariikhda Faneed Ee Bacalwaan, Heesihiisii Caan Baxay Iyo Riwaayadihii Uu Ka Qayb Galay ….Q: 2aad

Waxa Soo Ururiyey: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)-
 



Fannaanka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Fanku waxa uu ahaa wax laabtayda ku jira. Fanaaniintii naga horraysay heesaha ay qaadaan ayuunbaan qaad-qaadi jiray oo aan jeclaa. Markaasaan iska dhigi jiray nin heesaa ah oo belaayo ah oo khatar ah. Intaan meelahaa xaafadaha dhexdooda fadhiisto ayaan heesaha qaadi jiray. Heesaha fanaaniintii naga horraysay ee aan idaacadda ka dhagaysto ayaan qaad-qaadi jiray. Kadib markii taariikhdu ahayd 1965-kii ayuunbaan maqlay tartan yar oo laga ogaysiinayo  Raadiyow Muqdisho.
Tartankaasi la baafiyey waxa ay ahayd oo ay idaacaddu tidhi waxa la doonayaa in koox la tartanta kooxdaasi la doonayo. Aniguna markaasi garoo waxaan iska ahay nin fan suuq ah, maadaama aan ahay nin yar oo suuqa iska joog jooga oo meelahaa ka hees heesa oo waliba urursada heesaha hore oo qayba kadibna meelahaa kaga luuqluuqeeya. Tartankii baan ka qayb galay oo waxaan soo ururiyey muusigyahano yaryar oo aan midba meel ka keenay. Mid Marka aan ka keenay mid aan magaalada dhexdeeda ka keenay iyo mid kaleba. Koox yar baan soo ururiyey oo aan doonay in aan kaga qayb galo tartankaasi la doonayay in laga qabto Radio Muqdisho. Markaa kooxdan aan soo ururiyey dhammaantood waa muusigyahano yaryar oo aan cidiba aqoon oo dhallinyaro ah anna waan heesayaa oo iyaga ayaa ii tumaya. Markaa tartanka waxa la rabaa in lagaga qayb galo saddex heesood oo middiiba soconayso shan daqiiqo. Waxba yaanan hadal idinku daaline, ninkaygii yaraa ee meesha yimid ee aanay cidina garanayn boodhbaan kaga duuliyey meeshii oo 15-kii daqiiqadood ayaan saddex heesood oo dhamac ah kasii daayay. Waxa la doonayay koox Radio Muqdisho lagu hayay koox la tartanta oo magaalada laga raadinayay. Kadib qoladii maamulka tartanka ahayd ayaa waxa ay yidhaahdeen markii tartankii dhamamaday waar inankan yar ee kooxda isku soo ururiyey, kooxda qaranka la tartansiin maynee isaga ayaan lambarka koowaad siinaynaa. Sidaasaan kaalinta koowaad ku galay oo ay ii siiyeen”.
Fannaan Cabdi Cali Bacalwaan oo wax laga waydiiyey heesahan saddexda ah ee uu tartankaasi ugu horreeyey kaga qayb galay waxa uu yidhi: “Heesahan waxa isu geegeeyey aniga iyo nin aannu saaxiibbo ahayn. Isagu qaarbuu sameeyey anna qaarbaan sameeyey. Waxbaannu isku gaygaynay oo cudud yar oo isku tagtay baannu ahayn”.
Markii haddaba tartankaasi dhammaaday Fannaan Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu noqday nin caan ah oo durba Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda laga bartay waxaanay halkaasi noqotay bar-bilawgii uu ka soo fuulay sallaanka Faneed ee uu markii dambe cirka uga baxay. Fannaanka oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Markii aan halkaasi kaalinta koowaad ku galay waxaan noqay nin caan ah oo dadkii u sacabinayaan oo macruuf noqday. Markii aan halkaa gaadhay waaban u qaadan waayay!. Layaab ayay igu noqotay. Markaasaan is idhi wallaahi darkaad jiidhay!!. Kadib waxa gacanta la iga saaray lacag badan oo ahayd 400 oo shilin oo markaasi aan la soo koobi karayn qiimaha ay leedahay iyo xaddigeeda. Wakhtigaana ninkii boqol shilin hayaa waxa uu ahaa nin la yidhaa ninkaasi Boqol madaw buu hayaa. Anigiibaa markaa afar boqol oo madmadaw la i siiyey. Labaatanka Shilin ayaa muddo la haynayaa muddo dhan oo ku deeqaysa. Waa bari-samaadkii” ayuu yidhi Cabdi Cali Bacalwaan.
Intaa kadib Fannaanka caanka ah ee Cabdi Cali Bacalwaan halkee uga sii socday oo tallaabo noocee ah ayaa u xigtay. Fannaanka ayaa innooga warramaya waxaanu yidhi: “Isla markiiba Radio Muqdisho waxa ay tidhi isaga cid la qaato ha ugu horreeyo. Kadib kooxdii fannaaniinta ee ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa ay soo qaddimeen codsi waxaanay yidhaahdeen inanka yar ee soo baxay ee tartanka maalintii dhawayd lagu qaatay darajo ayaannu siinaynaa oo imtixaanbaan ka qaadaynaa ee annaga noo daaya annagaa qaadanaynee. Kadib waxa ay yidhaahdeen waa in uu Dhiboo galaa oo Tababar Milatari galaa. Kadib sannadkii xigay ee 1966-kii ayaan tababarkii Dhibooga ahaa galay. Kooxda ciidanka Milatariga markaa waxa ka mid ah fannaanadda weyn ee Saynab Xaaji Cali Baxsan, waxa kale oo ku jira Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan Askari) oo ahaa abwaan weyn, sidoo kale waxa ku jira Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Singub), Abwaan Cali Diiriye (Cali Gaab) ayaa ku jiroo. Kooxdu markaa waa kooxdii nambarka koowaad ahayd ee fanka ahayd. Markaa kooxdu waa koox Milatariga ah oo qaybteeda Fanka ah waxaanay yidhaahdeen inankaa yar annaga ayaa qaadanayna”…
…La Soco      

Monday, February 12, 2018

Milicsiga Taariikhda Faneed Ee Cabdi Cali Bacalwaan: Mid Ka Mid Ah Fannaaniintii Loogu Jeclaa Hoballada Waaberi



Qormo Faneed Taxane Ah Oo Aan Ku Faaqidi Doono Taariikhda Faneed Ee Bacalwaan, Heesihiisii Caan Baxay Iyo Riwaayadihii Uu Ka Qayb Galay ….Q: 1aad

Waxa Soo Ururiyey: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)- 

Ilaahay Cimriga iyo Caafimaadkaba ha u barakeeyee Fannaanka weyn ee Caanka ah Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu ka mid yahay kana mid ahaa haldoorka Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ragga ah kuwooda ugu horreeya, ugu codka macaan, ugu jilitaanka wanaagsan loo
guna jecel yahay heesihiisa. Dadka sida weyn ula socda una xiiseeya Fanka Soomaalidu waxa ay Fannaan Cabdi Cali Bacalwaan ku xasuustaan hub-qaadkiisa, Masrax-jooggiisa wanaagsan iyo qaabka Jilitaan ee Riwaayadaha uu ka qayb galay wakhtigii Fanka Soomaalidu cirka marayay.
Fannaanka Codka Baxsan Cabdi Cali Bacalwaan oo markii noogu dambaysay ku sugnaa waddanka Jarmalka, burburkii Soomaaliya kadibna in muddo ah ku ku noolaa caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi ayaanu qormadan ku soo qaadan doonaa taariikhdiisaa faneed, riwaayadihii caan baxay ee uu ka qayb galay, qaar ka mid ah heesaha caanka ah ee Bulshadu sida weyn ugu taqaano ee uu ku luuqeeyey iyo Arrimo badan oo la xidhiidha Nolosha Fannaanka, isaga oo Fannaankani ka mid ahaa tiirarkii udub-dhexaadka u ahaa fannaaniinta iyo fanka Soomaaliyeed ee casriga ah.
Waa Kuma Cabdi Cali Bacalwaan, Halkee ku dhashay?, halkeese salka ku haysaa Naanaysta uu ku caan baxay ee Bacalwaan?, goorma ayuu dalka Soomaaliya ka baxay kadib sannadihii burburkii, muxuuse ka xasuustaa waayihiisa faneed?, dhammaan su’aalahaasi waxa si waafi ah uga jawaabi doona Fannaanka oo xogtan ku bixiyey waraysiyo kala duwan oo uu hore u bixiyey oo aan soo ururinay.
Ugu horrayn Cabdi Cali Bacalwaan oo ka hadlaya deegaanka uu ku dhashay iyo sababta magaca Bacalwaan loogu bixiyey waxa uu yidhi: “Waxa aan ku dhashay deegaanka Wardheer ee ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Kililka Shanaad. Magaca Bacalwaan ama naanaysta Bacalwaan, berigii aan dhashay ayuu ii baxay. Qoyska aan ka dhashay waxa ay ahaayeen qoys maal-qabeen ah. Markaa Haweenay baa aniga gaar la iigu qaybiyey oo aniga xanaanadayda iyo arrimahayga gaar la iiga dhigay oo I hayn jirtay oo waalidku ku yidhi inankaa gacanta ku hay oo hagaaji oo daryeel ayaa ii bixisay magaca. Markaa waxaan ahaa Ilmo yar oo buuran sida aan maqlay. Ilmaha buuqa iyo qaylada bandanna maan ahayn baa la igu yidhi. Kadib marka ay caanaha iyo cuntada I siiso ayaa waxa ay tidhaa Bacalwaan, Alla kani waa Bacalwaan. Bacalwaan Bac dheh. Sidaasi ayuu magacu iigu baxay. Bacalwaan oo islaantaasi I soo korisay ayaa ii bixisay. Waxa ay ahayd islaan reerkayaga la joogi jirtay. Waligayna illaa yaraantaydii illaa maantana isaga ayaa la ii yaqaanaa. Marka aan Wardheer ku soo koray anoo yar baan ka soo tagay waxaanan soo galay Magaalada Muqdisho oo aan ku barbaaray intii dambena aan noloshayda ku qaatay”.
Intaa kadib Fannaanka weyn ee Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu innooga warramayaa wakhtigii ugu horraysay ee uu Fanka soo galo, sida uu ku soo galay iyo in marka horeba Fanku ahaa wax lubbigiisa ku lammaan oo ku suntan. Fannaanka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Fanku waxa uu ahaa wax laabtayda ku jira. Fanaaniintii naga horraysay heesaha ay qaadaan ayuunbaan qaad-qaadi jiray oo aan jeclaa. Markaasaan iska dhigi jiray nin heesaa ah oo belaayo ah oo khatar ah. Intaan meelahaa xaafadaha dhexdooda fadhiisto ayaan heesaha qaadi jiray. Heesaha fanaaniintii naga horraysay ee aan idaacadda ka dhagaysto ayaan qaad-qaadi jiray. Kadib markii taariikhdu ahayd 1965-kii ayuunbaan maqlay tartan yar oo laga ogaysiinayo  Raadiyow Muqdisho. 
..La Soco Qayb Kale