Tuesday, August 27, 2013

Bashaar Al Asad: Hitlarkii Qarniga



Taariikhda Calawiyiinta, Caqiidooyinka Faasidka Ah Ee Ay Aaminsan yihiin Iyo Halka Ay Salka Ku Hayso Cadaawaddoodu

Qalinka: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)


In badan oo dadka ka mid ahi maanta waxa ay is waydiinayaan Shakhsiyadda Bashaar Al Asad, Calawiyiinta iyo sida ay u burburinayaan wadanka Suuriya oo ka mid ahaa dalalka ugu muhiimsan dunida Muslimka taariikh ahaan iyo dhul ahaanba iyo sida uu maalin walba raabo raabo ugu laynayo shacabka reer Suuriya Carruur iyo Cirroole isaga oo maanta gaadhay heer uu u adeegsado in uu ku laayo Hub Kiimikal ah (Chemical Weapons) oo sahayday nolosha kumanaan qof oo u badan Caruur iyo dad waayeel ah.
Xaqiiqanimo Xasuuqa Bashaar Al Asad maanta ku hayo shacabka Suuriya ama aha mid ku yimid mucaaradnimada lagala hor yimid balse waa Cadawnimo ka soo maaxanaysa Qalbiga iyo ruuxda Bashaar Al Asad iyo Kooxdiisa Calawiyiinta ah. Qaddiyaddu waa ay ka wayn tahay Bashaar yare oo ahaa dhakhtar indhaha ah oo aabihii kursiga uga dambeeyey. Qaddiyaddu waa sidii Calawiyiintu u qabsan lahayd guud ahaan Bilaadu Shaam (Dhulka Shaam). Calawiyiintu Ma Shiicaa? Ma Muslimbaa, Ma Gaalaa, Halkay ka soo jeedaan? Waa arrimaha aynu qormadan ku eegi doono.
Waa Ayo Calawiyiinta Suuriya?
Calawiyiinta waxa la sheegaa in ay asalkoodii hore ka soo jeedaan Shiicada (Imaamiyada iyo Isnaa Cashariyah) waxaana ka soo baxay Culimo waaweyn oo shiico ah oo uu ka mid yahay Sheekh Xamsa Bin Zuhra Al Xusayni. Waxa la xaqiijiyaa in ay taariikhdooda aasaasnimo ka soo bilaabanto qarnigii saddexaad ee Hijriga, Magacoodii Horena waxa la odhan Jiray Naysariyah. Waxa aasaasay Maxamed Bin Nasiir Al Basiiri Al-Numayri. Caqiido ahaan waxa ay si aad u xeel dheer u weyneeyeen Imaam Cali Ibnu Abaa Daalib (KW) oo ay gaadhsiiyeen heer Ilaahnimo. Iyada oo ay sidaa tahay haddana waxa ay weyneeyaan oo ay aad u jecel yihiin Cabdiraxmaan Bin Muljim oo ah ninkii Dilay Imaam Cali Bin Abii Daalib (Sababta Xagga Dambe Ayaad Ka Ogaan Doontaa). Waxa ay aaminsan yihiin in Cali Bin Abii Daalib Kor degan yahay oo wakhtigan ku sugan yahay Daruur Dusheed oo kaliya la kala saaray Jidhkiisii iyo Ruuxdiisii. Waxa ay ku nool yihiin Suuriya, Turkiga, Lubnaan iyo Qaybo ka mid ah Ciraaq. Waa Calawiyiinta kuwoodii ugu horreeyey taariikh ahaan. Waxa lagu tilmaamaa Qaybta ugu weyn Firqo ahaan shacabka Suuriya marka laga tago Sunniga oo ah Aqlabiyadda dadka dega dalkaasi Suuriya. Calawiyiintu waxa ay Mujtamaca Suuriya ka noqonayaan boqolkiiba saddex iyo toban (13%). Calawiyiinta Suuriya waxa ay soo mareen Marxalado taariikeed oo aad u dhaadheer. Waxa la sheegaa in siyaalo kala duwan ay xukunka dalkaasi u soo maamulayeen taariikh ku siman illaa 1571 taariikhda Miilaadiga. Waxa la sheegaa in aanay muujin shacaa’irta Islaamiga ah sida soonka, salaadda, Masaajidada kama aadaamaan mana muujiyaan Astaamaha Islaamka. Cadaawad ballaadhan oo guun ah ayay u hayaan Muslimiinta Sunniga ah. Sannadihii 1806, 1811, 1852 waxa ay dagaalo culus la galeen Dawladdii Cismaaniyiinta illaa ay soo gaadheen qarnigii 19aad oo xaalku is badalay. Awoodda Calawiyiintu ku leeyihiin Maamulka Suuriya waxa la sheegaa in ay dhowr arrimood sabab u tahay. Waxa ka mid ahaa doorkii ay ku lahaayeen Inqilaabkii dalkaasi ka dhacay sannadkii 1963kii halkaasi oo ay gacanta ku dhigeen Mansabyo culculus oo muhiim ah. Sidoo kale waxa ay ku kaceen Inqilaab kale oo dhacay 1966-kii waxa kale oo ay mar kale Inqilaab ku sameeyeen xukunka Suuriya sannadkii 1973-kii waxaana xukunka dalkaasi gacanta ku dhigay Xaafid Al Asad oo ah aabaha dhalay yarkan maanta shacabka Suuriya xasuuqaya ee Bashaar Al asad. Xaafid Al Asad ayaa la sheegay in markuu noolaa Imaam Muusa Al Sadar oo ah hogaamiyaha Shiicada Lubnaan ka codsaday in uu Fatwo ku soo saaro in Calawiyiintu ka mid yihiin Shiicada. Isaga oo wakhtigaasi doonayay inuu qiil ugu helo xukunka Suuriya maadaama Dastuurka Suuriya dhigayo in madaxweynaha dalkaasi xukunkiisa qabanayaa uu noqdo nin Muslim ah. Waxa jira muran badan oo ka taagan Muslimnimada Calawiyiinta oo culimo badani ku tagsan yihiin in aanay ahayn Muslimiin.
Macluumaad Guud Oo Ku Saabsan Calawiyiinta:
Waxa la sheegaa in qaaradda Yurub ay ku nool yihiin ku dhawaad laba Milyan oo Calawiyiin ahi. Kuwaasi oo intooda badan degan wadamada Jarmalka iyo Faransiiska. Dalka Austria waxa ay sannadkii hore koox diimeed gaar ah u aqoonsatay Calawiyiinta degan wadanka Austria. Guud ahaan Tirada Calawiyiinta waxa lagu qiyaasaa in ay kor u dhaafayaan 80-Milyan oo dof oo intooda badani ku noolyihiin Dalalka Suuriya, Lubnaan, Iiraan iyo Turkiga.
..La Soco cadadka dambe afkaarta iyo waxa ay aaminsan yihiin Calawiyiintu.

Sunday, August 11, 2013

“Taqsiim Illaa Iyo Taxriir…Shirqool Mid Ah!!”



(Lafa-Gur Ku Saabsan Shirqoolada Reer Galbeedku Ku Xagal Daacinayaan Qunyar Socodka Islaamiga Ah Ee Dalalka Masar Iyo Turkiga)
Qalinka: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)

Tan iyo markii kacdoonka shacabku hogaaminayaa ka Qarxay dalalka carabta ee uu Curtay waxa loo yaqaano Gu’ga Carabtu, waxa isa soo tarayay aragtiyo dadka qaarkood qabaan iyaga oo ku doodaaya in Kacdoonadaasiay yihiin kuwo ay Hurinayaan Yuhuudda iyo Maraykanku halka kuwo kalena ku doodayaan in aanay taasi jirin ee ay kacdoonadaasi ku yimaadeen dhibaato gaaxsanayd in muddo ah oo imika furka goosatay kadib markii cadaadis, caddaalad darro, quudhsi iyo dhibaato lagu hayay shucuubta carabta ku dhawaad qarni. Labada aragtiyood dadka kala aamisanni qolo waliba waxa ay soo daliishanaysaa xujooyin iyo caddaymo badan oo mid kastaa u baahan tahay in si weyn loo dhugto. Aragti saddexaad ayaa iyana odhanaysa in wadanka Iiraan laftiisu saamayn ku leeyahay kacdoonada ka bilaabmay dalalka Carabta gaar ahaan dalalka Baxreyn iyo Suuriya. Haddii aynaan midna ku sii talax tegin oo aynaan kala dooran aragtiyahan waxa aan isla wada garawsanahay in dhammaanba kacdoonada dalalka Bariga dhexe ka taagan ay si weyn uga faa’iidaysanayaan dalalka Maraykanka, Yuhuudda iyo Iiraan oo mid kastaa dano gaar ah ka leeyahay kacdoonada Gu’ga Carabta mid taagan iyo mid dhammaadayba. 
Waaqaca Dhabta Ah Ee Turkiga:
Wadanka Turkiga waxa Hogaankiisa haya oo doorasho xor iyo xalaal ah ku yimid Xisbiga Islaamiga ah ee Caddaaladda iyo Horumarka (AK Party) kaasi oo si layaab leh ula macaamilay Mabda’ Cilmaaniyadda ee dalkaasi Biyo dhigtay. Dadka islaamka ah ee dalkaasi Turkiga oo aqlabiyad ahi waxa ay aad u soo dhaweeyeen guusha Xisbigaasi talada dalka ku qabsaday ee uu ku Jabiyay Ataatoorak iyo Mabda’ii Cilmaaniga ahaa waxaana durbadiiba faafay oo guri kasta gaadhay Dacwadda Islaamka, arrintaasi oo aan farax gelin dalalka reer Galbeedka ee maanta Dunida Hogaanka u haya iyo dalka Yuhuudda oo isagu Turkiga il gaar ah ku hayn jiray waligiiba.
Saddex Qodob Ayay Daarran Tahay Walaaca Reer Galbeedka Iyo Yuhuudu Ka Qaadeen Turkiga:
1.  Siyaasadda Turkiga oo noqotay mid u janjeedhsantay dhinaca Maslaxadda Umadda Islaamka ah ee Dalkaasi Turkiga iyo guud ahaan Caalamka Islaamka. Waxaanay taasi soo shaac baxday ADariiqa siyaasadeed uu maray Rajab Dayib Erdogan (Ra’iisal Wasaaraha Turkiga ee Wakhtigan) kulamo dhawr ah oo uu ka qayb galay oo heer caalami ah tusaale ahaan Kulankii Davos ee dalalka quwadaha addduunka sannadkii 2009. Kulankaasi Erdogan waxa uu si toos ah u weeraray ra’iisal wasaarihii  wadanka Yuhuudda ee Shimon Peres isaga oo ku yidhi: “Waxaad Tihiin Cadaw ubadka yarar ku laynaya deegaanka Gaza” waxa la isku dayay in Erdogan la aamusiiyo intii uu hadalkan waday balse waa uu diiday waxaanu si degdeg ah uga baxay shirkii Davos isaga oo falalka Yuhuuddu wakhtigaasi ka wadday deegaanka Gaza ka xun iyo sida aanay dunida kale waxba uga qabanayn gardarrada Yuhuudda ee garabka og.  Hogaanka Maraykanka iyo Yuhuuddu aadbay ula yaabeen umana ay baran in lahjad noocan oo kale ah uu kula hadli karo Hogaamiye ka soo jeeda dal Islaam ah oo horumarsan dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba.
Muddo afar bilood ah kadib waxa dhacday in dalka Turkigu Jabiyay Cuno Qabatayntii lagu hayay dalka Falastiin Gaar ahaan Gaza waxaanay Doon u direen Gaza balse waxa tallaabadaa is hor taagay ciidanka Yuhuudda oo rasaas ku furay Doontii Turkiga halkaana ku dilay 8 qof oo Turki ah. Waxa halkaasi ka qarxay dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeya Turkiga iyo Israel waxaanu dalka Turkigu dalkiisa ka soo eryay safiirkii Israel u fadhiyay Anakara waxaana la hakiyey heshiiskii Milatari ee labada dal u dhaxeeyey iyo heshiisyo ganacsi oo dhawr ah oo hore labadan dal uga dhaxeeyey.
2. Siyaasadda xukuumadda Islaamiga ah ee Turkiga oo noqotay mid gabi ahaanba ka madhan in ay u darbanaato danihii reer Galbeedka iyo Yuhuudda, waxaanay awoodda saartay Kobcinta iyo dhismaha Muwaadiniinta Turkiga ah iyo guud ahaan dalkooda. Xukuumadda Islaamiga ah ee Erdogan Hogaamiyaa waxa ay si aan hore loo arag u yaraysay shaqo la’aantii dadka Turkiga ah haysatay iyada oo taariikhda markii ugu horraysay dalkaasi gaadhsiisay 8% iyada oo dhinaca kale dalalka Yurub shaqo la’aan baahsani ku dhufatay. Erdogan iyo xukuumadda Turkigu waxa ay ku guulaysatay in ay bixiso dhammaan daymihii sanduuqa lacagta adduunku ku lahaa dalkooda iyaga oo taariikhda markii ugu horraysay dalka Turkiga ka dhigay dal aan lagu lahayn wax deyn ah muddo 52 sanadood ah. Waxa ay xukuumadda Islaamiga ah ee Turkigu yaraysay danihii reer Galbeedku ku qabeen dalkooda oo ay gabi ahaanba meesha ka saartay waxaanay seeska u dhigeen xidhiidh ay la yeeshaan dalalka Carabta iyo guud ahaan Islaamka waxanaay soo celiyeen haybaddii Turkiga ee taariikh ahaan soo jireenka ahayd.
3. Erdugan iyo xertiisu waxa ay Turkiga ku soo celiyeen Xayndaabkii Islaamiga ahaa iyaga oo dalkooda ka soo saaray ku dhawaad qarni iyo Dheeraad ay ku sugnaayeen Cilmaaniyad Xag Jir ah, waxa ay ogolaadeen Xijaabkii haweenku isku asturayeen ee mamnuuca ahaa, waxa ay dhiirri geliyeen Barashada Cilmiga Diinta Islaamka, waxa ay yareeyeen oo si tartiib tartiib ah meesha uga saarayaan qaawanaantii iyo goobihii fisqiga iyo Tumashada, waxa ay manuuceen goobihii Khamriga lagu Fuudi Jiray habeenkii iyo Khamaarkii lagu ibtiloobay. Saddexdan qodob ee waaweyni waxa ay kiciyeen dareenkii reer Galbeedka iyo Yuhuudda oo u adkaysan waayay waxa ay indhohodu arkayaan. Waxa ay reer Galbeedka iyo Yuhuuddu bilaabeen in ay Abaabulaan dadkii ay dhiiggooda ku tallaalayd Cilmaaniyadu, Kurdiyiinta Mucaaradka ah iyo dad kooban oo Iiraan dabada ka waddo oo ah Bulshada Nasiiriyiinta si ay uga aarsato Turkiga iyada oo ka xun Mawqifka Erdogan iyo xertiisu ay ka qaateen dhibaatada ka taagan Suuriya. Hawl-galkan saddex geesoodka ahi waxa uu hoosta ka shiday cadhadii kooxahani u qabeen xukuumadda Erdogan ee islaamiga ah waxaanay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay u ridi lahaayeen xukuumadda ka timid xisbiga islaamiga ah ee Caddaaladda iyo Horumarka Ama ugu yaraan in ay cidhiidhi galiyaan oo ay ka mashquuliyaan horumarka ay dalkeeda gaadhsiinayso.   
Aronn Stain waa Liberal madax ka ah xarunta yaraynta taranka aadamaha ee Istanbul, isaga oo aad u dhaliilaya Siyaasadda Erdogan waxa uu yidhi: “Shacabka Turkigu ha iska qabtaan Erdogan iyo xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay. Waxa ay doonayaan in ay meesha ka saaraan sharciga yaraynta taranka iyaga oo ku doodaya aragti islaam Ah”. Urur Cilmaani ah oo u ololeeya haweenka oo lagu magacaabo “Dhaqdhaqaaqa Haweenka” ayaa Sannadkii Hore iyo Horaantii sannadkan aynu ku jirno isugu soo baxay magaalooyin dhawr ah iyaga oo soo saaray haween Mudh iyo Gacan Ah Oo Qaawan, kuwaasi oo ku doodaya in xukuumadda Erdogan ay meesha ka saarayso xuquuqdii haweenka ee xorriyadda doorashada Jinsiga, ilmo iska soo tuuridda iyo ka ganacsiga jidhka. Xarakada Haweenku waxa ay ku doodayeen in la rido xukuumadda Islaamiga ah ee Erdogon. Mid ka mid ah haweenkan mudaharaadka dhigayay oo saxaafadda la hadashay waxa ay tidhi: “Waxa ay ku leeyihiin ubad badan dhala, laba kali ah ayaan doonayaa. Waxa ay ku leeyihiin Khamri ha cabina, Sigaar Ha Cabbina, waddooyinka ha marina iyada oo aad saaxiibkaa gacmaha is haysataan, waxaan ahay inantii Kamaal Ataatoorak mana doonayo in aan ra’yigaasi qaato oo aan aqbalo”. In badan oo Cilmaaniyiinta ah ayaa fikirada haweenaydan oo kale qaba.
Akhriste, u fiirso dadka noocan ahi waxa ay iska dhago marinayaan sida dalkoodu Horumarka u sameeyey dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo dhisme ahaan. Cahdiga Erdogan waxa dalkaasi si weyn u kobcay kaabayaasha dhaqaale, dalxiiska iyo nolosha Mujtamaca Turkida waxayse kuwan oo kale ku doodayaan aragti ku kooban in ay raacaan hawadooda Jinsi iyo waxa ay naftoodu doonayso oo kali ah. Waxa ay cabsi ka qabaan in ay meesha ka baxdo doonista naftoodu iyaga oo aan eegin Diin Iyo Dadnimo toona. Fagaaraha Caanka Noqday ee Taqsiim Ee aad Maqashay arrinka dhabta ah ee ka taagani waa kaasi aan soo sheegnay. “Baroortu Orgiga Ka Weyn. Intii isugu soo baxay Fagaaraha Taqsiim waxa ay ahaayeen kuwaasi aan soo sheegnay iyo kuwo la Aragti ah oo xaga dambe ka taagan. Waa Bambo ay reer Galbeedku ku soo dhex tureen Shacabka Turkiga oo ay doonayaan in ay ku qarxiyaan si ay u burburiyaan wanaagga Dhaqan Dhaqaale ee ka hana qaaday Turkiga Cahdiga Xisbiga AK Party. 
Waaqaca Dhabta Ah Ee Masar:
Xaalka Masar waa uu ka adag yahay xaqiiqo ahaan kan Turkiga ee aan ka soo sheekaynay. Maxaa yeelay Erdogan waxa uu ku guulaystay hogaamintiisa siyaasad ahaan isaga oo ka faa’iidaystay deganaanshaha mudadii uu xilka hayay dalkaasi oo aanay wax dhibaato ahi ka taagnayn. Waxa uu ku yimid doorasho waxaanu wali ku fadhiyaa hogaaminta dalkiisa isaga oo fulinaya mabaadii’diisa aasaasiga ah ee uu ku galay doorashada. Balse Maxamed Mursi, Hogaamiyihii dhawaan xilka laga tuuray xaalkiisu ma aha sida Erdogan nasiibna uma helin in uu deganaansho ku hogaamiyo dalkiisa. Maxamed Mursi waxa uu ka yimid xisbiga Xorriyadda iyo Caddaaladda oo ah garabka siyaasadeed ee Xarakada Ikhawaanul Muslimiin oo ah Xarakada Islaamiga ah ee adduunka ugu ballaadhan. Maxamed Mursi waxa laga tuuray xilkii kadib markii kooxo is bahaystay oo gacan weyn ka helay ciidamada dalkaasi Masar ay xukunkii ka tureen Maxamed Mursi gacantana u geliyeen kooxihii kacdoonka kala hor yimid mabda’ islaamiga ah ee dalkaasi ku guulaystay.

Taageerayaasha Hogaamiye Mursi waxa ay u arkaan in uu ku guulaystay wax ka qabashada qaybo badan oo ka mid ah wixii loo igmaday in badanna Ikhwaanku ku taamayeen in ay wax ka qaban doonaan haddii ay xilka yimaadeen balse kuwa ku Mucaaridka ah ayaa aaminsan in Mursi ku fashilmay muddo sannad ah oo uu xilka hayay arrinkuna noqday Fashil laga gudbay oo Faashil kale loo gudbay. Kooxaha Cilmaaniyaddu biyo dhigtay ayaa Mursi ku eedaynaya in uu Masar adduunkii ka soo xidhay oo dalal badan cadaawad ka kasbaday.
Goormay Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen?!!
1. Waxa xaqiiqo ah in Mu’aamarad weyni ka dambaysay falkii Maxamed iyo Mursi iyo xisbigiisa Xorriyadda iyo caddaaladda lagu khaarajiyay. Shirqoolkaasi waxa uu ninkan iyo kooxdiisa ku bilaabmay isla markii ay doorashada dalka Masar ku guulaysteen sannad ka hor ee ma aha wax imika si dhib yar isaga dhacay ama isaga yimid. Waxaana la isku waafaqsan yahay in reer Galbeedka iyo Yuhuuddu toos uga shaqeeyeen sidii meesha looga saari lahaa kacdoonka dalka Masar ee ay awoodda badan ku yeesheen Islaamiyiintu. Waxa lagu qaaday Mursi iyo kooxdiisii Ikhwaanka Guluf adag oo loo adeegsaday dhinaca warbaahinta iyo fikirka (Ideology War), waxa la baadhbaadhay oo bannaanka hab cilmiyaysan loo soo dhigay dhammaan boogihii dawladda Maxamed Mursi iyo Ikhwaanka ee hogaamineed iyo siyaasadeed, waxa la buunbuuniyay oo shaaracyada la isla soo taagay wax alla wax kasta oo lagu beer laxawsan karo kooxaha Cilmaaminiinta ah iyo hadhaagii xukuumaddii hore oo aan marnaba ogolayn guul ay gaadhaan Ikhawaanku. Dalal badan oo reer Galbeed ah iyo Yuhuudda ayaa la ogaaday in ay Dhaqaale iyo Loojistikaba ku taageereen Gulufka Islaamiyiinta ka dhanka ah ee Masar. Siyaasad ahaan kooxahani waxa ay qaateen nidaam ah in ay cunaha isaga duubaan dawladdii Maxamed Mursi si ay uga mashquuliyaan wax kasta oo ay qaban karaysay sannadkii ay xilka haysay, waxa kale oo ay kooxahaasi awoodda saareen in ay durbaan u qaataan sidii ay u wacyi gelin lahaayeen aragtida ku dhisan Cilmaaniyada ee ay qabaan in badan oo shucuubta carabta ahi gaar ahaan Masar. Waxa ay shucuubta Masar iyo kuwa Carabta kaleba ugu baaqeen in Siyaasadda iyo Islaamku aanay is qaadan Karin oo diinta iyo siyaasada la kala saaro.   
 2. Waxa soo ifbaxay in Hogaamiyayaasha Xarakada Ikhwaanku door weyn ku yeesheen siyaasadda Mursi gaar ahaan fulinta iyo wakhtiyada uu xilal magacaabayo sida badhasaabada gobolada iyo xilalka sare ee dalka taasina waxa ay dabka ku shiday cadhadii Cilmaaniyiinta waxa kale oo ay sahay uga dhigteen in ay bulshada u tusaan in kooxo gaar ahi taladii dalka qabsadeen.
3. Waxa toos u muuqatay in Cilmaaniyiintu caddaysteen cadaawadda ay u hayaan Islaamiyiinta iyo xukun islaam oo meesha yimaad. Waxa ay dacaayado ku fureen shacaa’irta lagu yaqaan dadka islaamka ah sida Gadhka raga, Xijaabka haweenka iyo guud ahaan wax kasta oo muujinaya Madaahirta islaamka.
4. Kuwii aaminsanaa Dimuquraadiyaddu, ha noqdeen Libaraalka iyo cid kasta oo u janjeedhay aragtiyaha reer galbeedku waxa ay ku wacad fureen Dimuquraadiyaddii ay aaminsanaayeen oo ah ta uu ku yimid Maxamed Mursi oo cod shacab kursiga ku fuulay waxaanay sharciyaddaasi u rogeen sharci darro in lagu muquuniyo.
Haddii aynu isku xidhno Inqilaabka Masar iyo Kacdoonka ka taagan Turkiga ee ka bilaabmay Fagaaraha Taqsiim waxa kuu soo baxaya in hogaamiyayaasha Maxamed Mursi iyo Dayib Erdogan ay ka siman yihiin dhawr arrimood kuwona ku kala duwan yihiin. Waxa ay ka siman yihiin in aan laga jeclayn dalalka reer Galbeedka iyo Yuhuudda, xataa dalal badan oo Carbeed iyo kuwo Caalami ahba. Waxa ay ka siman yihiin in quluubta Shucuubta Islaamka intooda badani la jirto oo taagersan yihiin. Maadaama ay labadan nin hogaanka u qabteen dalal Ummad ahaan Tiro badan, Aqoon ahaan tiro badan, Ciidamo dhisanna leh, taasi oo keeni karta in ay abuuraan in ay siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka hoos baxaan reer Galbeedka oo ay u xuub siibtaan dalal Dimuquraadi islaam qunyar socod ah ku dhisan oo saamayn weyn ku yeelan karta dalalka Carbeed ee habka qoysnimo xukumada u kala dhaxla iyo waliba dalalka soo lacaya ee Islaamka ah.
Aragtida Yuhuudda Ee Arrimahan:
Tzipi Livni (Wasiirka Caddaaladda Yuhuudda): Haweenaydan oo ka mid ah siyaasiyiinta magaca ku leh dalkeeda ayaa dhawaan iyada oo ka hadlaysa Xarunta Daraasaadka Amniga Qaranka Israel waxa ay tidhi: “Hogaamiye kasta ama dal kasta oo ka mid ah dalalka ku yaalla mandaqadda waxa la gudboon in ay qaadaan laba jid mid uun. Jidka Argagixisada iyo xag-jirnimada iyo in ay qaadaan jid kale oo ah ka dhexdhexaadnimada iyo ilbaxnimada siyaasadeed ee cahdigan oo ah ka aanu ku shaqayno. Haddii dal ama hogaamiye maro jidka aan ahayn ka aanu marno waxa nagu waajib ah in aanu dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba la dagaalano iyada oo ujeedda Maxamed Mursi iyo Erdogan maadaama ay horeba ugu eedaysay in ay labadan nin taageersan yihiin ururka reer Falastiin ee Xamaas.
Dhammaaad   

Wednesday, July 31, 2013

Daraasad-Cilmiyeed Ka Digaysa Halista Uu Dunida Islaamka Ku Hayo Mashruuca Xoraynta Dumarku

Dhaqdhaqaaqa dhedignimadu (Feminism), waa aragti si baahsan ugu sii fidaysa guud ahaan dunida casriga ah ee aynu ku noolahay maanta. Ma aha aragti xuquuq raadineed, mana aha aragti siyaasadeed iyo mid dhaqaale toona oo kor loogu qaadayo doorka haween waynaha adduunka.
Aragtida dhaqdhaqaaqa dhedignimadu wax ay maanta ka mid tahay xarakooyinka fakir ahaan ugu dhumucda iyo awooda badan. Taasi oo ku koraysa tamarta ay ka qaadato waxa loo yaqaano edegaynta ama caalamiyaynta (Globalization). Waa dhaqdhaqaaq aragtiyeed oo ku sar go’an lana baadi sooc ah shaqooyinka ay qabtaan hay’adaha aan dawliga ahayn iyo waliba kuwa qaramada midoobay.
dhaqdhaqaaqa xag jirka ah ee dhedignimada ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay khatarta ugu balaadhan ee maanta soo food saartay diimaha samaawiga ah iyo qiyamka (Value) xadaaradaha bani aadamka. Afkaartan dhedignimadu waxa ay noqotay mid khal khal ku ah hab fikirka dadyawga diimaha leh, waxaana jirta in fikirkan ay xoog ku leeyihiin in badan oo wakaaldaha aduun-weynaha ah kuwaasi oo hoos yimaada wadamada reer galbeedka iyo hay’adaha waaweyn ee qaramada midoobay.
Kuwaasi oo fikirkan ku dabbaqa dhammaan hab-nololeedka haweeenka adduunka guudkiisa ku nool, iyaga oo aan u kala eegayn deegaamada ay ku kala noolyihiin, diimaha ay kala aaminsanyihiin, aqoonta iyo xadaaradda ay leeyihiin ee ay ku kala duwanyihiin.waxaaba mararka qaarkood dhacda in dhinacyadan kala duwan ee aynu soo sheegnay, ay khasab ka dhigaan iyaga oo cadaadis siyaasadeed ku soo rogaya cidii u hogaansami wayda aragtiyaha ay xambaarsanyihiin fikradani.  Si kastaba ha ahaatee, waxa si gaar ah halis ugu jira haweenka islaamka ah oo ku hoos jira dabka iyo halasaha ay wataan afkaarahan tamarta darani. Daraasad si gaar ah loogu kuur galay khatarta arrintani leedahay ayaa muujinaysa walaac weyn oo laga qabo, kala daadsanaan mustaqbalka ku timaadda qoyska islaamka ah. Madaama islaamku yahay mujtamaca kali ah ee maanta is haysta ee ay adagtahay jiritaankiisa ummadnimo. Kooxda daraasadan diyarisay oo uu hormood u yahay khabiir u dhashay dalka Ciraaq oo lagu magaaco  Muthni Amiin Al-kurdi, ayaa halkan dhar qodob ku soo koobaysa nuxurka daraasadoodan:
“ugu horayn waxa ay taariikhda fikirkan dhedignimadu (Feminism) soo shaac baxday sida ay qabaan taariikh-yahanadu dhamaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad, isaga oo ku xab bururiyay kuna soo barbaaray wadamada Faransiiska, Ingiriiska yo Maraykanka. Fikirkani waxa uu ka soo baxay oo cilmiga asaaska u ah ka soo qaatay  madarasadda Raadhikaaliyada (Radicalism), oo ah halka ay asal ahaan ka soo jeedo aragtidan xag jirka ah ee dhedignimadu. Waa aragti haweenka uga digaysa inay raggu yihiin xubin iyaga u dhiganta, aanay sinaba ugu ogolaan wax aanay ka wada sinayn. Waa aragti xataa wakhtiyada qaarkood gaadha in haweenku ragga u arkaan cadawgooda koowaad, aragtidan oo aynu ku tilmaami karno fayraska (Virus) qoyska ee qarniyadan cusub. waxa ay ku dhisan tahay hab-dhaqan ka fog aragtida saxda ah ee nolosha qoysnimo.
Waxa xusid mudan in dhaqdhaqaaqa ama kacaanka dhedignimadu  uu hawlihiisa si rasmi ah u bilaabay badhtamihii sanadkii 1989-kii. Isaga oo adduunka ugu fiday oo u soo raacay dhinacyada waxbarashada iyo sinaanta xaga qawaaniinta. Waxa kale oo jira mawduuc ay aragtidani ku hoos dhuumato oo ah waxa loo yaqaano “baadi-doonka xuquuqda haweenka ee luntay”. 

La Soco Qaybta 2aad

Qalinka: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
Saxafi Sharciyaqaan ah 
Hargeysa, Somaliland