Dhaqdhaqaaqa dhedignimadu (Feminism), waa aragti si baahsan
ugu sii fidaysa guud ahaan dunida casriga ah ee aynu ku noolahay maanta. Ma aha
aragti xuquuq raadineed, mana aha aragti siyaasadeed iyo mid dhaqaale toona oo kor
loogu qaadayo doorka haween waynaha adduunka.
Aragtida dhaqdhaqaaqa dhedignimadu wax ay maanta ka mid
tahay xarakooyinka fakir ahaan ugu dhumucda iyo awooda badan. Taasi oo ku koraysa
tamarta ay ka qaadato waxa loo yaqaano edegaynta ama caalamiyaynta
(Globalization). Waa dhaqdhaqaaq aragtiyeed oo ku sar go’an lana baadi sooc ah
shaqooyinka ay qabtaan hay’adaha aan dawliga ahayn iyo waliba kuwa qaramada
midoobay.
dhaqdhaqaaqa xag jirka ah ee dhedignimada ayaa lagu
tilmaamaa inuu yahay khatarta ugu balaadhan ee maanta soo food saartay diimaha
samaawiga ah iyo qiyamka (Value) xadaaradaha bani aadamka. Afkaartan
dhedignimadu waxa ay noqotay mid khal khal ku ah hab fikirka dadyawga diimaha
leh, waxaana jirta in fikirkan ay xoog ku leeyihiin in badan oo wakaaldaha
aduun-weynaha ah kuwaasi oo hoos yimaada wadamada reer galbeedka iyo hay’adaha
waaweyn ee qaramada midoobay.
Kuwaasi oo fikirkan ku dabbaqa dhammaan hab-nololeedka
haweeenka adduunka guudkiisa ku nool, iyaga oo aan u kala eegayn deegaamada ay
ku kala noolyihiin, diimaha ay kala aaminsanyihiin, aqoonta iyo xadaaradda ay
leeyihiin ee ay ku kala duwanyihiin.waxaaba mararka qaarkood dhacda in
dhinacyadan kala duwan ee aynu soo sheegnay, ay khasab ka dhigaan iyaga oo
cadaadis siyaasadeed ku soo rogaya cidii u hogaansami wayda aragtiyaha ay xambaarsanyihiin
fikradani. Si kastaba ha ahaatee, waxa
si gaar ah halis ugu jira haweenka islaamka ah oo ku hoos jira dabka iyo
halasaha ay wataan afkaarahan tamarta darani. Daraasad si gaar ah loogu kuur
galay khatarta arrintani leedahay ayaa muujinaysa walaac weyn oo laga qabo,
kala daadsanaan mustaqbalka ku timaadda qoyska islaamka ah. Madaama islaamku
yahay mujtamaca kali ah ee maanta is haysta ee ay adagtahay jiritaankiisa
ummadnimo. Kooxda daraasadan diyarisay oo uu hormood u yahay khabiir u dhashay
dalka Ciraaq oo lagu magaaco Muthni
Amiin Al-kurdi, ayaa halkan dhar qodob ku soo koobaysa nuxurka daraasadoodan:
“ugu horayn waxa ay taariikhda fikirkan dhedignimadu
(Feminism) soo shaac baxday sida ay qabaan taariikh-yahanadu dhamaadkii qarnigii
sagaal iyo tobnaad, isaga oo ku xab bururiyay kuna soo barbaaray wadamada
Faransiiska, Ingiriiska yo Maraykanka. Fikirkani waxa uu ka soo baxay oo cilmiga
asaaska u ah ka soo qaatay madarasadda
Raadhikaaliyada (Radicalism), oo ah halka ay asal ahaan ka soo jeedo aragtidan
xag jirka ah ee dhedignimadu. Waa aragti haweenka uga digaysa inay raggu yihiin
xubin iyaga u dhiganta, aanay sinaba ugu ogolaan wax aanay ka wada sinayn. Waa
aragti xataa wakhtiyada qaarkood gaadha in haweenku ragga u arkaan cadawgooda
koowaad, aragtidan oo aynu ku tilmaami karno fayraska (Virus) qoyska ee
qarniyadan cusub. waxa ay ku dhisan tahay hab-dhaqan ka fog aragtida saxda ah
ee nolosha qoysnimo.
Waxa xusid mudan in dhaqdhaqaaqa ama kacaanka dhedignimadu uu hawlihiisa si rasmi ah u bilaabay
badhtamihii sanadkii 1989-kii. Isaga oo adduunka ugu fiday oo u soo raacay
dhinacyada waxbarashada iyo sinaanta xaga qawaaniinta. Waxa kale oo jira
mawduuc ay aragtidani ku hoos dhuumato oo ah waxa loo yaqaano “baadi-doonka
xuquuqda haweenka ee luntay”.
La Soco Qaybta 2aad
Qalinka: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
Saxafi Sharciyaqaan ah
Hargeysa, Somaliland